Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaadhigga oo ka hadlay Sargaal sare oo lagu dilay gobolka Mudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii, iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid  Taliye Cabdi Suulnuug oo ku dhintay dgaal ka dhacay gobolka Mudug. Sulnuug oo hogaaminayay guutada 18-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal culus oo ay Al-Shabaab kula galeen deegaan ku dhow deegaanka Caad ee maamulka Galmudug sabtidii.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku tilmaamay Sulnuug inuu ahaa nin weyn oo u soo shaqeeyay qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna ku dheeraaday kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka qaatay ciribtirka kooxda Al-shabaab iyo naf-hurnimadiisa isagoo difaacaya dadka iyo dalka. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu aad uga xumaaday geeridii xanuunka badneyd ee Suulnuug, isagoo qiray dadaalka uu u galay sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, Al-Shabaabna looga saari lahaa si daacadnimo iyo geesinimo leh.

Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyska Sulnuug iyo shacabka Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxay ka tacsiyeysay geerida Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuuge.

Dagaallada xooggan ee ka dhacay deegaanka Caad ee gobolka Mudug ayaa muujinaya howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka ee Soomaaliya, iyadoo ciidamada dowladda ay sii wadaan dagaallada ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed