Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wakiilo caalami ah oo booqday kumanaan qoys oo ku barakacay Jubaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya M Xamza Cabdi Barre oo ay weheliyaan safiirrada dalalka Turkiga, Shiinaha iyo Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa booqday dadkii ku barakacay fatahaadda Wabiga Shabeelle ee ku nool duleedka magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dadka ay waxyeelada ka soo gaartay roobabkii dabeylaha watay ay ka badan yihiin kuwa maanta ay booqdeen, isla markaana ay jiraan dad kale oo ay ku jiraan xaalado adag oo dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku ammaanay maamulka Jubbaland sida ay gacan ugu fidiyeen dadka barakacayaasha ah, isla markaana u daryeelayaan xilliyada ay u baahan yihiin, wuxuuna ka codsaday beesha caalamka in gurmad loo soo diro dadka ay saameeyeen fatahaadaha.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay Safiirada dalalka Turkiga, Shiinaha iyo Qaramada Midoobay, iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah oo si dijital ah ama muuqaal arag ah  uga soo qeyb galay kulanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed