Ra’iisul Wasaaraha oo xarigga ka jaray xarun muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xarigga ka jaray xarunta dhexe ee keydka Daawada Soomaaliya, taas dabooli doonta baahiyaha  dadweynaha, laguna keydin doono daawooyinka kuwaas oo badqabkooda lagu hubinayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hirgelinta xaruntani ay ka tarjumeyso halbeeg muhiim ah oo la xaqiijiyey, loogana gudbaayo dhibaatooyinkii soddonkii sanno ee la soo dhaafay ay dadkeenna ku sababeen daawooyinka bilaa tayada ah ee dalka la keenayay.

Xamsa oo u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay hirgelinta xaruntani, isagoo faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in si hufan looga faa’deysto xaruntan, isla markaana laga hirgeliyo xarumo lamid ah dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dagan xarumaha danta guud ee ay leedahay Dowladdu, gaar ahaan kuwa Wasaaradda Caafimaadka in ay banneeyaan, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed