Ra’iisul Wasaaraha oo sagootiyay Danjirahii Midowga Yurub ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda J Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann oo soo gabagabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay Soomaaliya muddooyinkii dambe
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay doorka wada-shaqeyneed ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub muddadii ay joogtay, gaar ahaan meelmarinta heshiiskii geeddi-socodka wada-shaqeynta labada dhinac.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadd sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ay la leedahay Midowga Yurub.
Dhankeeda, Danjire Tiina Intelmann ayaa ka mahadcelisay sidii diiraneyd ee loola shaqeeyey muddadii ay gudanaysey waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.
 Waxaa ay intaas raacisay in Soomaaliya uu ka dhacay is beddel weyn muddadii ay joogtay.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed