Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuuumadd Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Ahmed Juma Al-Rumaithi. Kulankaan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo taabanaya danaha labada dal iyo kuwa kale.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa isla soo qaaday arrimo muhiim ah oo la xiriiro horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii loo hormarin lahaa. Xamsa ayaa la  wadaagay  Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taageerada ay siiyaan Soomaaliya  ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga iyo bini’aadanimada.

Dhankiisa, Danjire Al-Rumaithi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya inay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al shabaab, iyo dadaalka ay ugu jirto kor u qaadidda dhaqaalaha, hufnaanta iyo la dagaallanka musuq-maasuqa, isaga oo xusay in dhankooda ay ka go’an tahay taageero dhinacyo kala duwan ah sida amniga, arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa lahaay xiriir wanaagsan oo soo jiray muddo fog, waxay dhawaan gaareen  heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed