Ra’iisual Wasaaraha Soomaaliya oo kulan muhiim ah la yeeshay Sariirka dalka Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFederaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaadshiga ka dhaxeeya labada dal iyo taageeri hormarinta arrimaha bini aadanimada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku bogaadiyay dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada aas aasiga ah iyo gargaarka.
Dhankiisa, Danjire Cabdalla ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.
Dowladda Qatar ayaa ka mid ah saaxiibada Soomaaliya ka taageero arrimaha ammaanka, hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, kor uqaadida kaalmada  bini aadanimada iyo arrimo kale oo muhiim ah.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed