Ra’iisal Wasaarihii Israa’iil oo laga saaray Isbitaal iyo faah faahin laga bixiyay Caafimaadkiisa

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa laga saaray isbitaalka kadib markii uu xalay ku hoyday i si baaritaanno iyo dabagal loogu sameeyo kaddib markii uu madaxa wareeray, kuna soo boodday qandho kulul.

Netanyahu, oo 73 jir ah, ayaa Sabtidii loola cararay Xarunta Caafimaadka ee Sheba ka dib markii uu dareemay dawakh ku soo booday. Xafiiskiisu waxa uu sheegay in uu ka baxay cisbitaalka abaaro duhurnimadii maanta oo Axad ah ka dib markii uu goor sii horaysay sheegay in natiijadii baritaankiisu noqotay mid caadi ah, kuna soo laabtay xaaladdiisii.

Xafiiska Netanyahu wuxuu sheegay inuu ku qaatay maalintii hore Badda Galilee, oo ah goob fasaxa caan ah oo ku taal waqooyiga Israa’iil halkaas oo heerkulku uu kor ugu kacay ilaa 40 darajo Celsius (104  Fahrenheit) iyada oo ay jirto kulayl waddanka oo dhan ah.

Netanyahu ayaa la sheegay in guud ahaan caafimaadkiisu wanaagsan yahay, in kasta oo muddo kooban la dhigay cusbitaalka bishii Oktoobar ee sannadkii la soo dhaafay ka dib markii uu xanuun dareemay, oo ah maalin ay soomaan dadka Yuhuudda ee dhawra.

Waxaa intaa dheer, waxa loo haystaa eedo badan oo musuqmaasuq ah oo lagu soo oogay kiisas kale. Siyaasadaha qalafsan ee dowladiisa ee ku wajahan falastiiniyiinta ayaa soo jiidatay dhaleeceyn caalami ah iyo xiriirka ka soo horjeeda Mareykanka oo ah saaxiibka ugu dhow iyo kan ugu muhiimsan ee Isra’iil.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed