Raiisal Wasaaraha Soonaliya oo Kullan Muhiim ah La Yeeshay Wasiir Ka Tirsan Jarmalka.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan la yeeshay  Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Jarmalka, isagoo uga mahad celiyey taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya ,sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada dimiquraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyey iyo tababarka ciidanka booliska.

Dhanka kale Wasiirka ayaa dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loo sameeyey isagoo tilmaamay in dowladda Jarmalka ay si dhaw ula shaqayso Dowladda Soomaaliya isla markaana xiriir qoto dheer ay wadaagan labada dowladood, ayna sii wadayaan tageerada ay gacanta ugu geysanayaan dib u dhiska iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Labada Masuul ayaa isla meel dhigay in la joogteyo lana hormariyo  xiriirka labada dal, iskana kaashaadaan danaha guud ee kor looga qaadayo wadashaqeyn iyo hormarin xiriirka diblamaasiyadda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed