Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Somaliland ugu baaqay in Ciidamadeeda ay ka Saarto Sool.

Raiisalaha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Somaliland ugu baaqay in ay ka saarto cimadeeda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaa uu ka dhawaajiyay in dadka shacabka ee ku nool magaalada laga joojiyo madaafiicda.

Xamse ayaa sheegay  in Somaliland iyo SSC ay miiska wada hadalka lagu dhammeyo arrimaha la isku hayo, balse marka hore in Somaliland ay ciidanka ka saarto duleedka Laascaanood ee Goojacade.

Raiisala Wasaaraha ayaa u soo jeediyay Somaliland in dadka shacabka ah ay ka joojiso hoobiyaasha joogtada ah ee maalin walbe lagu tijaabinaayo.

Gunnaanadkii waxaa uu ka dhawaajiyay in la soo afjaro dagaalka Laascaanood, waxaa sidoo kale uu sheegay in ay nasiib darro tahay in uu sii socdo dagaalkaas, dhaliyay khasaaraha xooggan ee iskugu jir Nanf iyo Maal.

Hadalkaan Raiisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa imanaya, iyada oo dagaal xooggan uu ka soconayo duleedka magaalada Laascaanood taniyo bishii 2-aad ee sannadkaan, waxana guul darreystay dadaalo badan oo la doonayay in lagu joojiyo, kuwaas oo ka imaanayay gudaha iyo debadda.

HB NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed