Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Kulmay Safiirka Cusub ee Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha XFS  Xamse Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Maxamed Ibraahim Yuusuf.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xilliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya, kana taageero dhinacyo badan oo ay ugu horreyso dagaalka Al-shabaab ah looga ciribtirayo dalka.

Xamse oo sheegay in ay mahad u hayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed