Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka jawaabay xilliga rasmiga ah oo ay dowladdu furi doonta waddooyinka xiran

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ku dhowaaqay in dowladdu ay qaadi doonto dhammaan waddooyinka lagu xiray dhagaxaanta ee Muqdisho bilowga sanadka cusub ee 2024-ka.

Ra’iisul Wasaare Barre ay warkaan ka jeediyay kulan muhiim ah uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir isla markaana looga hadlayay hormarka laga agaray dhanka amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan, madaxda gobolka Banaadir, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha haweenka.

Waxa uu ku nuux-nuux saday in dowladda ay horumar ku gaari karto oo kaliya haddii si buuxda loo sugo amniga caasimadda. Ra’iisul Wasaare Barre ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada Muqdisho in ay kaalintooda ka qaataan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Sanadihii lasoo dhaafay ciidamada amaanka ayaa isticmaali jiray dhagxaan waaweyn si ay uga hortagaan in gawaari qaraxyo ah ay kusoo galaan wadooyinka waaweyn. Si kastaba ha ahaatee, wadooyinka harsan ayaa hadda ah mid ciriiri ah, taasi oo keentay in ay dhacdo in askarta niyad jabka ah ay u adeegsadaan rasaas nool si ay u nadiifiyaan waddooyinka ciriiriga ah, waxaana ka dhasha khasaare dhimasho iyo dhaawac.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed