Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo amar duldhigay dadka daggan xarumaha danta guud

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dadka deggan goobaha danta guud ay ka baxaan, xarumahaas ayuu ka dhawaajiyay in ay dowladdu u baahan tahah si loogu adeeggo dadka shacabka ah.

Xamse Cabdi Barre ayaa yiri ” Shacabka waxaan ugu baaqayaa Inay ka baxaan oo la baneeyo xarumihii loogu adeegi lahaaa iyaga”.

Xamse ayaa sheegay in dan gaar ah aanan laga yeeli doonin in lagu dagannaado xuramaha dowladda, iyada oo dantii guud loo heyn meel lagu shaqeeyo, waxaa ugu baaqay in inta aanan laga saarin dadkaas in ay ka baxaan.

Si kastaba, dhowr jeer madaxda dowladda ayaa goobo fagaaro ah ka sheegay in dadka daggan xarumaha danta guud in ay ka guuraan. Taniyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, xarumihii danta guud waxaa dagay dad shacab ah kuwaas oo muddo ka badan  300 sanno daggan dad shacab ah.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed