Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Madaxweynaha Hirshabeelle iyo taliyaal ciidan oo gaaray degmada Aadan Yabaal

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ma’suulyin kale yaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee Gobalka Shabeelada dhexe, kuwaas oo booqanaya furimaha hore ee dagaalka deegaannada gobolka Shabeelada Dhexe gaar ahaan kuwa ku teedsan Aadan Yabaal.

Ra’iisal Wasaaraha  iyo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa halkaas kula kulmi doonaa Saraakiisha ciidanka iyo mas’uuliyiin kale waxana lagu wadaa in ay khudbado ka jeediyaan taas oo ku aaddan howlgallada ka dhanka ah Al shabaab.

Sidoo kale safarkaan waxaa ku jiro taliya ciidamada xoogga Soomaaliya  Ibaraahim Sheekh, Muxuyidiin, guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Side Xasan Nuurb Cali Shuute

Safarkaan ayaa ahay mid aan horay loo shaacin ee maanta Xamse  iyo wafdigiisa ay ku tageen  degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Socdaalkaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo xalay Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in ay sii wadi doonaan dagalka ka dhanka ah Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed