Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Pakistan Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Sacuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Madaxweynaha dalka Pakistan Arif Alvi, labada masuul ayaa isku arkay waajibaadka Xajka sanadkan.

Xamse iyo Arif aya kawada  hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan Soomaaliya iyo Pakistan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, kalluumeysiga, tamarta, xoolaha iyo arrimo kale.

Waxaa kake oo ay isla soo qaadeen qaabkii ay labada dhinac isaga gacan siin lahaayeen la dagaallanka argagixisada, iyaga oo isla meel dhigay  in la diyaariyo wufuud labada dhinac oo ay kala hoggaaminayaan wasiirrada arrimaha dibedda, si loo sii ambaqaado dhaqangelinta qodobada muhiimka ah ee ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Pakistat.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed