Raiisal Wasaaraha Soomaaliya oo Golaha Wasiirada Faray Arrin Xasaasi ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay  shirka  Qamiis laha ah ee golaha wasiiradda ayaa sheegay in Xukuumadda looga fadhiyo dhaqangalinta heshiiskii Hannaanka doorashooyinka oo ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya maalmo kahor, hishiikaas ayuu ku sheegay in fursad qaaliya u yahay shacabka Soomaaliyeed in ay ku go’aaminayaan hoggaankooda.
Ra’isul Wasaare Xamsa ayaa  Wasaaradaha faray in ay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilaamay in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna Xukuumaddu ay bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Al shabaab kaga sugan yihiin dalka, isagoo faray wasiiraddu inay hoggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka.
Ra’iisul Wasaaraha sheegay in Hadafka Xukuumaddiisa waa in aynaan noqon Kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin ay noqoto  Kacaan amni, dayn cafin, iyo dhammeystirka  dastuurka.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed