Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa Kulan Muhiim ah La Yeeshay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ee dowladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe) kaas oo looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adaha Fulinta iyo Sharci dajinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku bogaadiyey Golaha, ansixinta shuruucda muhiimka u ah dalka, gaar ahaan arrimaha deyn cafinta iyo amniga dalka, iyagoo guddanaya waajibkooda Dastuuriga ah , waxuuna ka codsaday in ay meel mariyaan shuruucda wali horyaala iyo kuwa la horkeeni doono ee dalka muhiimka u ah.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sheegay in xukuumaddisa  ay diyaar u tahay korjoogteyn iyo la xisaabtan, maadaama hadafkeedu uu yahay dowlad-wanaagga iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyay Guddiga joogtada wada-shaqeyntooda dhow, ayaa hoosta ka xariiqay in heshiis walba oo siyaasadeed oo ay gaaraan Golaha Wadatashiga Qaranka, la horkeeni doono Golaha Shacabka, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed