Ra’iisal Hamza oo Safiirka dowladda Ingiriiska kala hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya isla markaana u gudbiyay fariin culus

Ra’iisul Wasaare Hamza Cabdi Barre ayaa Arbacadii la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, oo ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan xiisadda gobolka ka soo cusboonaatay ee ku aaddan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo ku aaddan horumaradii ugu dambeeyay ee gobolka, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida iyo nabadda gobolka.

Ra’iisal Barre waxa uu uga mahadceliyey taageerada  dawladda UK, wuxuuna caddeeyay inay si buuxda u ixtiraamayaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Kulamada dibolamaasiyiinta gobolka iyo caalamka ayaa sii kordhayay maalmihii la soo dhaafay taniyo markii Itoobiya ay hishiis is-af-garad ah la gaartay Somaliland ee ku aaddan in Adis Ababa saldhig ciidan ay ka hesho gobolada Waqooyi ee Somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed