Rag looga shakisan yahay in ayh ka tirsan yihiin Al shabaab oo wareerar ka fuliyay gobolka Manddheera ee dalka Kenya

Rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Xerada Ciidanka Booliska Qaranka ee loo yaqaan QRU oo ku taalla gobolka Mandheera.

Warbixinnada booliiska ayaa tilmaamaya in in ka badan 20 maleeshiyaad ah oo aad u hubeysan ay xerada uga soo dhawaadeen dhanka waqooyi-galbeed, iyagoo weerarkooda ka billaabay meel 100 mitir u jirta xerada.

“Saraakiisha heeganka u ahaa ayaa si deg deg ah uga jawaabey waxayna ku hawlanaayeen 15 daqiiqo balse waxaa u suurtagashay in ay iska caabiyaan” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saareen.

Saraakiisha saldhiga ku sugnaa ayaa si kastaba u gadooday, iyaga oo maleeshiyada la galay dagaal culus oo socday 15 daqiiqo ka hor inta aysan kooxdii dilka geysatay baxsan.

Ma jiro sarkaal booliis ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay intii ay shilkan socdeen.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed