Rabshadihii ka socdey Faransiiska oo xoogeystay kuna fiday dalalka kale

Rabshadihii ka socday dalka Faransiiska ayaa xalay galay habeenkii saddexaad oo xiriir ah, iyadoo isku dhacyo dhexmareen booliiska iyo dibadbaxayaasha.

Dadka bannaanbaxaya ayaa cagta mariyay dukaamo iyo goobo ganacsi waxayna sidoo kale dab qabadsiiyeen gawaari aad u badan, inkastoo booliis tiradoodu lagu sheegay 40 kun la dhigay guud ahaan dalka Faransiiska.

Sarakiisha ammaanka ayaa sheegay in xabsiga la dhigay dad ka badan 600, xalay oo kaliya 167 qof ayaa la xiray, taasi ma noqon mid xaalada dajisa ee waa ay ka dartay.

Qulqulotooyinkan ayaa bilowday talaadadii ka dib markii booliisku toogteen wiil yar oo 17 jir ah oo asal ka soo jeeda Algeria & Morocco, oo lagu magacaabi jiray Nahel M, kaasi oo sida booliisku sheegeen la toogtay ka gadaal markii uu diiday inuu joojiyo baabuur uu watay.

Askarigii dilay Nahel ayaa raaligalin siiyay qoyskiisa, askariga ayaa lagu soo oogay dil, iyadoo qareenkiisu sheegay inuu ka  “niyad jabsan yahay” go’aankaas.

Nahel hooyadiis oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inaanay cambaareynayn booliiska oo idil balse hal shakhsi oo ka mid ah uu dilay wiilkeeda.

Dhinaca kale rabshadaha ka socda Faransiiska ayaa u gudbay dalka Belgium halkaasi oo dad caraysan ay isugus oo baxeen magaalada Brussels, waxayna gubeen dhawr gaari ka hor intii aanu booliisku soo faraglin xaalada isla markaana aanay xirixrin qaar ka mid ah dibadbaxayaasha.

Warqabadka HBN

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed