Rabshadaha Nairobi oo saameyn ku yeeshay Soomaalida ku dhaqan dalkaasi

Rabshadaha iyo dibadbaxyadii maanta ka dhacay magaalada Nairobi ayaa saameyn ku yeeshay Soomaalida ku dhaqan ee caasimada dalka Kenya, waxaana goobaha saamynta ugu weyn laga dareemayo ka mid ah xarumaha ganacsiga, maqaayada iyo hoteelada waa wayn kuwaasi oo badankoodu xiran.

Suuqa Islii ee Soomaalidu ku leedahay ganacsiga ugu badan ayaa xirnaa maanta taasi oo ay ugu wacan tahay ganacsatada oo cabsi iyo walwal ka qaba in hantidooda la boobo, waxaana yaraa dhaqdhaqaaqa goobaha ganacsiga xilligan oo lagu jiro bisha Ramadaan.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Naiorbi oo la hadlay telefishinka HBN ayaa sheegay in mar kasta oo Kenya gaar ahaan caasimada rabshado ka dhacaan si gaar ah loo bartilmaamaysto Soomaalida iyo hantidooda taasina ay ku noqotay mid walbahaar ah.

Ma ahan oo kaliya Suuqa Islii ganacsiga maanta xirnaa ee guud ahaan goobihi ganacsiga ee suuqyada Nairobi gaar ahaan bartamaha faras magaalaha ayaa guud ahaan xirnaa iyadoo la soo wariyay bililiqo iyo boob meelaha qaar ka dhacday.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed