Qurbajoogta Soomaalida oo si weyn uga soo horjeedsaday damaca Itoobiya waxayna ku tilmaameen mid halis ah

Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa si weyn uga soo horjeestay duullaanka Itoobiya, waxayna ku tilmaameen mid halis ku ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Ka dib heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, waxay qurbe-joogtu cambaaraynayaan ficillada gardarada ah ee uu ku kacayo Raysal-wasaaraha Itoobiya, kaas oo doonaya inuu xoog ku qabsado Badda Cas ee Soomaaliya.

Dhambaal xamaasad leh, waxay ugu baaqeen guddiga abaalmarinta nabadda ee Nobel in ay ka noqdaan abaal-marintii Abiy ee 2019-kii, iyaga oo ku sababeeyey doorkii uu ku lahaa sii hurinta colaadaha Geeska Afrika.

Qurbajoogta ayaa ayaa hoosta ka xariiqay in loo bahaan yahay in loo midoobo difaaca dhulka Soomaaliyeed sida Dhulka, Cirka iyo Badda, waxayna soo jeediyeen in loo difaac iyo midnimo la muujiyo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed