Qoyska Reer Luul C/casiis oo soo dhaweeyay Xukunka Maxkamadda, una diyaar garoobay Aaska

Qoyska Luul Cabdicasis oo ah haweeneyda Soomaaliyeed ee sida naxdinta leh ku naf wweysay markii la gubay, ayaa muujiyay farxad iyo mahadcelin ku aaddan go’aanka maxkamadda ay ku xukuntay dambiilaha. Qoyska Luul Cabdicasis oo ay wehliyaan bulshada Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay xukunka, kaasoo soo afjaray dhibaatadii foosha xumayd.

Hadal aad u qiimo badan oo uu soo jeediyay Sheekh C/casiis Maxamed oo ah Aabaha dhalay Luul A/Casiis ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in cadaaladda la horkeeno dambigan culus.

Sheekh C/casiis Maxamed waxa kale oo uu ka hadlay aaskii la wada sugayey ee loo samaynayo Marxuumad Luul Ca/casiis oo maydkeeda lagaga tegay Talaagada oo ay ku sugaysay xukun maxkamadeed “Waxa aynu aasi doonnaa maalinta Jimcaha ee ka hor barakaysan ee Ramadaan” ayuu yiri.

Sidoo kale, Sheekh Cabdasiis Maxamed ayaa mahadcelin ballaaran u jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Madaale oo uu sheegay inay garab taagan yihiin xilligan adag. Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed sida ay u garab istaageen una damqadeen qoyskiisa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed