Qoysas badan oo ku barakacaya deegaannada ay maraan Wabiyada Jubba iyo Shabeelle

Qoysas badan ayaa ka barakacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Hir-Shabeelle iyo Jubbaland, iyadoo laga cabsi qabo fatahaado ay sameeyaan Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Boqolaal qoys ayaa ka barakacay magaalooyinka Baladweyne ee gobolka Hiiraan iyo Luuq ee gobolka Gedo oo ay ka da’een roobab mahiigaan ah oo ka curtay dalka Soomaaliya.

Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa la geliyay feejignaan dheeri ah oo ku aadan goobaha ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka ee muddooyinkii dambe ka da’ay, si dadka aysan u go’doomin.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya ee SODMA ayaa digniin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay dadka ugu baaqayso in ay ka fogaadaan meelaha khatarta ah, gaar ahaan meelaha ay maraan Wabiyada iyo Biyaha Roobka.

Waxay ku baaqday in laga fogaado dhibaatooyinka badan ee khatarta ah ee ay dadku la kulmi karaan haddii aysan fiiro gaar ah iyo taxadar badan ka muujin fatahaadaha webiyada ee ka imaanaya Itoobiya.

Roobabka ayaa ilaa hadda barakiciyay ugu yaraan 86,000 oo qof oo ku nool Baydhabo. Tirooyinkaan ayaa loo badinayaa inay intaasi ka badan karaan, sababtoo ah kuma jiraan degmooyinka kale ee maamulka Koonfur Galbeed, oo sidoo kale roobab ay ka da’een inkastoo aysan gaarsiisneyn inta lagu arkay Baydhabo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed