QM oo sheegtay in dagaalada ka socda Soomaaliya ay ku barakaceen in ka badan shan boqol oo kun oo dad ah baaqna soo saartay

Colaado iyo nabadgelyo-xumo daba-dheeraatay ee Soomaaliya ayaa waxaa ku barakacay  569,000 oo qof siddeedii bilood ee ugu horreysay sannadkan, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Talaadadii.

WHO ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay weli wado howlgallada ka dhanka ah  Al-Shabaab, islamarkaana xiisadaha ka dhasha colaadaha iyo dagaalada ayaa sababay amni darro iyo barakac.

“1.42 milyan oo qof oo cusub kuna nool dalka oo dhan sanadkan 2023-ka, ayaa 569,000 oo qof  ku barakaceen colaado iyo amni darro awgeed,” ayaa lagu yiri warbixintii ugu dambeysay ee WHO ay ka soo saartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah  Al-Shabaab oo weeraro kala duwan ka geysta magaalada Muqdisho, gobolada dhexe iyo koonfurta.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in sababta ay dowladdu u doonayso inay kordhiso gulufka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee ka socda deegaanada Galmudug ay suuragal tahay inay sii kordhiso barakaca.

Sanadkii la soo dhaafay, colaado, abaaro iyo daadad ayaa barakiciyey in ka badan 3.8 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, iyadoo dadka ugu badan ee barokacay ay ku nool yihiin gobollada Banaadir, Galgaduud, Gedo iyo Hiiraan ee Soomaaliya, ayay tiri. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Intii lagu jiray qeybtii hore ee 2023 oo keliya, 531,000 oo qof ayaa ku barokacay colaado iyo ammaan darro.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, iskahorimaadyada iyo khatarta cimilada ayaa sii kordheysa baahida bini’aadantinimo ee Soomaaliya iyadoo in ka badan 8 milyan oo qof ay hadda u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed