Qaxooti Suudaani ah oo ku sugan Liibiya ayaa QM weydiistay gurmad deg deg

Tiro aad u badan oo Qaxooti Suudaani ah ayaa ku qul-qulaya Liibiya si ay uga baxsadaan dagaallada ka socda dalkooda, oo aanan ilaa haatan wax xal ah laga gaarin, dagaalka ayaa ameeyn tabban ku yeeshay dad shacaka ah, kuwaas oo ka cararay guryahoodii.
Suudaan waxaa ruxay rabshado tan iyo 15-kii Abriil, markaasoo xiisadda xooggan ay a dilaacay dalka, isku dhacyada sokeeye ayaa sababay dhimasho, dhaawac, barakac, iyo burbur aanan kala sooc laheyn.

Iskahorimaadka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 3,000 oo qof, sida lagu sheegay xogta bishii June, inkastoo tirada dhabta ah ee dhimashadu ay badan tahay haddana tirada rasmiga ah lama haayo, dhakhaatiirta iyo dhaqdhaqaaqayaasha ayaa sidaa warbaahinta u sheegay.

Mid kamid ah dadka ka cararay dagaaladda oo la hadlay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in uu waalidkii ku waayay dagaalkaasi, isla markaana uu dhaawac ka soo gaaray dagaalka, haatanna uu u baahan yahay qaliin deg deg ah oo lugtiisa looga sameeyo si looga badbaadiyo in lugta laga jaro, haddii aysan helin dabiibi deg deg ah.

Qaxootiga ku cararay Liibiya ayaa QM weydiistay gargaar bini aadanimo oo deg ded ah, dadkaan ayaa ku xareeysan deegaanno ku yaal dalka Liibiya, gaar ahaan caasimadda, qaarkood oola hadlay warbaahinta caalamka ayaa sheegay in halis ay ku jiraan haddii aysan helin gurmad dhakhsi ah.

Iyadoo qaar badan oo ka mid ah Qaxooti ay ku qasbanaadeen inay u qaxaan dalka dariska la ah Libya, ayaa hadana waxaa dalkaasi ka taagan xiisado siyaasadeed, waxaana dowlada kala qeybsantay ay la tacaasho sidii ay wax uga qaban lahayd xaalada nololeed ee dadkeeda.

Bishii Luulyo 12-keedii, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in colaadda sii huraysa ee Suudaan ay ka saartay in ka badan 3.1 milyan oo qof guryahooda, oo ay ku jiraan in ka badan 700,000 oo u qaxay waddamada deriska ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed