Qaraxyo Xooggan Oo Lagu Weerar Ciimadada Itoobiya ee Doolow

Faah faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xooggan oo maanta lagu weeraray  degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo ay saldhigyo ku lahaayeen Ciimado Itoobiyaan ah kuwaas oo lala eegtay qaraxyada ismiidaaminta, kuwaas oo guud ahaan laga maqlay deegaanka.

Qaraxyadaan ayaa gaaray ilaa labo qarax oo ahay kuwa culus, balse ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dashay, xaaladda ayaa ah mid kacsan, Ciidanka Itoobiya ayaa bilaabay howgallo lagu xoojinaayo ammaanka goobtii la wareeray.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas, kuwaas oo xusay in ay weerareen saldhigyo iyo xarunta taliska Ciidanka Itoobiya. Qaraxyada ayaa la sheegay mid kamid ah in loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu dhuftay ilinka hore ee xerada, halka qaraxa labaad uu fuliyay qof isa soo miidaamiyay.

Majirto wax faah faahin ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka magaalada Doolow ee gobolka Gedo oo ku aadan qaraxyadaan AL-shabaab Fuliyeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed