Qaraxyo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Gobolka Gedo.

Muqdisho (Hbn tv)-Faah faahino ayaa laga helaya Qaraxyo laga soo buuxiyay gaari oo saakay lagu weeraray degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxana ka dhashay Khasaaro Xooggan oo iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Goobta la weeraray ayaa waxaa degenaa Abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga korneyl Axmed Cabdullaahi Xirsi (labaale), guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Bulle Gareed iyo Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyey in qaar kamid ah ilaaladoodii ay ku dhinteen Qaraxaasi iyadoo dhaawac culus oo soo gaaray guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle.

Dhanka kale guri ka ak-dhawaa goobta la weeraray ku dhintay laba Carruur ah oo Walaalo ahaa halka dad kale ay ku dhaawacmeen.

Ma jiro cid sheegatay masuuliyadda weerarkan iyadoo sidoo kale weli dhinaca dowladdu aysan ka hadlin khasaaraha rasmiga ah.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed