Qaraxyada lala beegsanayo xarumaha ganacsiga oo sii kordhaya kaddib markii dowladdu ay amar culus dul-dhigtay ganacsatada Muqdisho

Qaraxyada laga hago meelaha fog fog ayaa lagu weeraray goobo ganacsi oo ku yaal magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lala beegsaday goobo ganacsi oo ay ku rakiban yihiin kaamirooyinka ay dowladdu u xilsaartay, kaddib markii ka soo baxay dhankooda.

Labo ka mid ah goobaha ganacsiga ee qaraxyada lagu weeraray ayaa ku yaala wadada 30-ka, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Labo-Dhagax, halkaasi oo ciidamada ay ku sugnaayeen bar koontarool oo gaadiidka lagu baaro.

Qarax kale  ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay goob ganacsi oo ku taal gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, maalmo kadib markii uu booqday Taliyaha Nabadsugida Mahad Salaad, kaas oo kormeeray dhaqan galka amarkii uu soo saaray.

Goob joogayaal ayaa sheegay in labo haween ah oo wadada marayey ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka agagaarka Cirtoogte xilli habeen ah, balse dhanka laamaha ammaanka wax war ah kama soo saarin.

Weeraradan ayaa imaanaya kadib markii dhammaan goobaha ganacsiga ee magaalada Muqdisho lagu amray in lagu rakibo kaamirooyinka CCTV-ga inkastoo Al-Shabaab ay diiday, kana hortmid, Ganacsatada ayaa la kulmaya cadaadis labada dhinaca, taasoo keentay in goobo babadn Al-baabada la iskugu dhuftay oo xiran.

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa ujeedkeedu ahaa kaamirooyinka CCTV-ga ee lagu rakibay wadooyinka Muqdisho iyo afaafka hore ee xarumaha ganacsiga, si loo xoojiyo ammaanka Magaalada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed