Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Gobolka Gedo.

Muqdisho (Hbnonlinetv)- Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan qarax lala beegsaday Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, qaraxaan ayaa ayaa dhaliyay Khasaaro kala duwan sida aan ka soo xiganay goobjoogayaal.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen Wiilal uu dhalay Guddoomiye kuxigeenka halka ay ku dhaawacmeen isla guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Buurdhuubo, mana jiraan Faah-faahin intaas ka dheeri ah.

Qaraxa ayaa ahaay nuuca dhulka la galiyo kaas la dhigay waddo ay isticmaalaan gaadiidka, mana jirto Cid sheegatay Masuuliyadda qaraxaas, balse Ururka Al-shabaab ayaa lagu eedeyay.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed