Qarax Looga Shakisan yahay Al-shabaab oo Lagu Dhaawacay Askar Kenyaan ah.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya  qarax miino oo lala eegtay Ciidanka Kenya kaas oo dhaliay khasaaro kala duwan deegaanno ku yaal xadka ay wadagaan Soomaaliya iyo kenya, Miinada ayaa la sheegay in ay aheyd nuuca dhulka lagaliyo ee soo booda waxaa ay haleeshay gaari ay saarnaayeen Ciidan Boolis ah koofurta magaalada Mandheera,  kuwaas oo marayay inta u dhexeeyso Ceelwaaq iyo Calangu.

Ugu yaraan 7 Askari ayaa ku dhaawacantay sida laga soo xigtay Booliiska waxana loo qaaday goobaha Caafimaadka Askartii ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, mana jirto faah faahin dheeraad ah oo laga bixiyay.

Qaraxan ayaa la aaminsan yahay in ay ka dambeyeen kooxda Al-shabaab kuwaas oo tiro dhowr jeer weeraro kala duwan ka fuliyay xadka labada dal, waxana khasaaro kala duwan ay ka soo gaartay Askar Kenyan ah iyo dad Shacab ah.

Howgallo kala duwan oo ay sameyeen Ciidanka oo lagu baadi goobaayo dadkii ka dambeeyay ilaa iyo hadda macadda in dad loo qabtay iyo in kale.

Dhowr jeer qaraxyo sidaan oo kale lagu aasay waddada oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo iyo dhaawac ah ayaa waxaa sheegtay Kooxda AL-shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed