Magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari dalka Kenya waxaa maanta duhurnimadii ka dhacay qarax khasaare geystay, iyadoo wararku ay sheegayaan in khasaare kala duwan uu jiro, oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa ka dhacay hoteel halkas ku yaal, oo ku dhagan Saldhiga Booliska Mandheera, waxaana qaraxan uu argagax ku abuuray bulshada deegaanka oo aad u hadal haya.
Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah Qarax xoogan ayaa lagu weeraray Hotelka Mama Samaki, kaasi oo geystay khasaare lixaad leh, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. waxaa ka mid ah laba askari oo booliis ah iyo qof rayid ah, oo haween ah, kuwaas oo naftooda ku waayay weerarka looga shakisan yahay mid argagixisanimo ee lala beegsaday gobolka. Haweeneyda ayaa la rumeysan yahay in ay aheyd milkiilihii maqaayadda.
Sidoo kale ilaa seddex ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay. Qaraxa ayaa u muuqday mid lagu bartilmaameedsanayay Hay’adaha ammaanka oo inta badan Hotelka la sheegay in ay ka cunteeyaan, kuna qaataan kulamo kala duwan.
Koox amni oo ka kooban hay’ado kala duwan ayaa si deg deg ah uga jawaabay weerarka, iyagoo billaabay ku aaddan xaaladihii ka dhashay qaraxa.
Qaraxa oo la rumeysan yahay inuu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay bartilmaameedka, oo ku taala meel u dhow Saldhiga Booliska Mandheera.
Magaalada Mandheera ayaa qiyaastii 320 km (200 mayl) waqooyi bari kaga beegan Wajeer.
HBN NEWS DESK