Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in Danjire Ferhat Alkan, uu kulan la yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, kaasi oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.
War saxafaadadeedka ay soo saartay Safaradda ayaa lagu sheegay in kulankan diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, xiriirka Turkiga──Soomaaliya, gobolka iyo caalamka ee saameynta ku leh xaaladda juqraafi-siyaasadeed.
Inkasta oo aan si toos ah loo sheegin inuu la xariiro arrimaha gogosha wadahadal ee Sabtida soo soo socotada Muqdisho lagu balansan yahay, hadane waxaa lagu yiri “Kulanka ayaa fursad u noqday in lagaga wada hadlo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya” iyada oo aan wax faallo oo dheeraad ah lagu darin.
Sida ay sheegtay Safaraddu, kulanka ayaa dhinacyadu isku weydaarsadeen aragtiyo dheeraad, balse laga sheegin nuuca ay yihiin.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo wada-hadallada 14-ka bishaan November lagu balansan yahay in magaaladan Muqdisho ay ka furmaan, iyada oo socon doona afar maalmood, six al looga gaaro muranada ku aadan doorashooyinka, iyo tabashada ay qabaan dhinacyada siyaasadeed ee ka soo horjeeda dowaldda dhexe.
Hbn Online Tv

