Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan masuuliyiin ka socda dowaldda ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad lagu dhaariyey Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare, Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan. Dhaarinta ayaa waxaa fuliyey Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan oo ka tirsan Baarlamaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoomiyaha cusub kula faray inuu si hufan, daacadnimo iyo xilkasnimo leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, dhowrista sharciga iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay.
Madaxweynaha ayaa 4-tii bishan November 2026 xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan, isaga oo xilka ka qaaday Baashe Yuusuf Axmed. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in magacaabistan ay timid kadib cabashooyin la xiriiray baahida loo qabo dib-u-habayn lagu sameeyo hay’adaha garsoorka, si muwaadiniintu u helaan adeeg caddaaladeed oo hufan oo la isku halleyn karo.
Hase yeeshee, xil ka qaadista ayaa dhalisay khilaaf cusub, kadib markii guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare uu tallaabada Madaxweynaha ku tilmaamay mid sharci-darro ah.
Waxa uu ku dooday in go’aanku uu baalmarsan yahay mabaadi’da dastuuriga ah ee sarreynta sharciga, kala-soocidda awoodaha dowladda iyo madax-bannaanida garsoorka.
Baashe oo galinkii dambe ee maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wax ammaan ah uusan ku heysan sida uu hadalka u dhigay caasimadda Muqdisho, isaga oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey khilaafyada siyaasadeed ee dalka.
HBN ONLNE TV

