Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Muqdisho kula kulmay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka, Ruth Anne Stevens-Klitz, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga amniga iyo qorshaha kala-guurka amniga dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mustaqbalka howlgalka AUSSOM, taageerada maraykanka ee ciidamada Soomaaliya iyo qorshaha la wareegidda saldhigyada ay banneynayaan ciidamada Uganda ee dalka ka baxaya.
Wasiirka ayaa Ruth Anne la wadaagay qorshaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ay kula wareegeen saldhiggii ciidamada Uganda ee magaalada Baraawe, gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada tababarka, tayeynta ciidamada iyo taageerada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay inay ka go’an tahay dhismaha ciidan qaran oo awood u leh ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo amniga dalka.
Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay socdaan qorshayaasha kala-guurka amniga Soomaaliya iyo bixitaanka ciidamada Uganda, kaasi oo horey qeyb kamid ah dalka laga saaray.
HBN ONLINE TV

