Xubnaha Siyasiiyinta Mucaaradka Soomaaliya ee ku mideysan madasha golaha Mustaqbalka ayaa caawa cambaareeyay tallaabo ay ku tilmaameen mid afgambi oo ay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku qabsaday Maxkamadda Sare ee Federaalka iyo wax loogu yeeray baacsiga lagu hayo guddoomiyihii hore ee maxkamadda iyo garsoorayaashii soo saaray xukun ka dhan ahaan dolwadda.
War saxafadeedka uu soo saaray Golaha ayaa taageeray xukunka Maxkamadda Sare, kaas oo lagu sheegay in muddo-xileedyada Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Xukuumaddu dhammaadeen, isla markaana dalka lagu qabto doorasho heshiis lagu yahay muddo 90 maalmood gudahood ah. Wuxuu xukunka ku tilmaamay fursad lagu soo afjarayo khilaafka siyaasadeed. Waxaa xusid mudan in xogtaan laga saaray baraha bulshada xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare, wuxuuna soo baxay kadiba makii xilka laga qaaday Gudoomiyihii hore Baashe Yuusuf.
Golaha ayaa markale ku celiyey hadaladoodii hore ee ahaa in muddo-xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhammaaday 15-kii Maajo 2026, halka kan Baarlamaankuna uu idlaaday 14-kii Abriil 2026. Wuxuu sidoo kale ku dooday in heshiisyada iyo siyaasadaha la meelmariyay muddo-xileedyadaas kadib ay yihiin waxba kama jiraan, dib-u-eegisna lagu sameyn doono.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay sida hadalka ay u dhigeen inuu yahay xuddunta khilaafka siyaasadeed ee dalka, waxayna uga digeen mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhalan kara, iyaga oo Beesha caalamka ugu baaqay inay taageeraan sarreynta sharciga—lana gaaro heshiis doorasho oo loo dhan yahay.
Tani waxay ku soo aadaysaa xilli gogol wada-hadal ay ku dhawaaqday dowaldda Federaalka Soomaaliya. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhammaadkii bishii hore ee Octobar 2026 casuumaad rasmi ah u dirtay ururrada mucaaradka ee Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan wada-hadalka ka dhacaya Muqdisho inta u dhexeysa 14-ka iyo 18-ka November. Si kastaba, illaa hadda ma jiro dhinac siyaasadeed oo si rasmi ah u shaaciyey inuu aqbalay gogosha, iyadoo waqtiga ka harsan furitaanka wada-hadalku uu kooban yahay.
HBN ONLINE TV

