Maamulka Puntland oo masuuliyiin cusub u magcaabay deegaano ka tirsan Sanaag

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ku dhawaaqay masuuliyiin cusub oo loo magcaabay magaalooyinka Baraagaha-qol iyo Ceel-buh ee gobolka Sanaag iyo Hayland, kuwaa oo dhawaan uu ka dhigay degmooyin rasmi ah.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Cabdisalaan Qaalib Dalmar Ciise loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Baraagaha-qol ee Gobolka, halka Yaasiin Ceegaag Maxamed Yuusuf loo magacaabay ku-xigeenkiisa.

Sidoo kale, Maxamed Axmed Cali ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Ceel-buh ee Gobolka Sanaag, halka Cali Faarax Ismaaciil laga dhigay ku xigeenkiisa.

Magacaabistan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Puntland uu dhawaan degmooyin ka dhigay Baraagaha-qol iyo Ceel-buh.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed