Qarax ka dhacay goob lagu keydiyo shidaalka oo ku taal dalka Guinea isla markaana dhaliyay khasaaro

Dab xooggan ayaa ka kacay caasimadda dalka Guinea ee Conakry ka dib markii uu qarax ka dhacay goob shidaalka lagu keydiyo. Waxaa jira warar sheegaya in tobaneeyo qof oo dhaawac ah loo qaaday laba ka mid ah isbitaallada waaweyn ee magaalada.

Saraakiisha Gurmadka deg dega ah ayaa ka jawaabaya Qaraxa ka dhacay Keydka Shidaalka ee deegaanka Conakry’s Kaloum, Qaraxa ayaa sababay dab weyn oo ku sii fidaya xaafado ku dhow dhow. Warar horudhac ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan. Ma cadda sababta ka dambeysay qaraxa.

Wili gurmadka ayaa soconaya, iyada oo laamaha ammaanka ay soo gaareen goobta ay wax ka dhaceen, waxana ay bilaabeen baaritaano xooggan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed