Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga ayaa sheegay in qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay afaafka hore ee dhismaha wasaaradda oo ku taalla caasimadda Turkiga, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan booliska.

Cali Yerlikiya ayaa sheegay in labo nin oo weerarka soo qaaday ay mas’uul ka ahaayeen qaraxyadii ka dhacay afaafka hore ee dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha. Mid ka mid ah ayaa is qarxiyay, ayuu yiri wasiirku.

Amniga ayaa loo adkeeyay  agagaarka Golayaasha Qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha kuwaas oo isku dhaw.

Koseoglu ayaa sheegay in ay goor hore tahay in la sheego cidda laga yaabo in ay ka dambeysay weerarka.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii dambe ciidamada Turkiga ay wadeen howlgallo ka dhan ah xubnaha Daacish (ISIS).

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed