Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay 27 Oo Ku Dhintay Sh Hoose.

Qaramada Midoobay aya ka hadashay 27 ruux oo jimcihii ku dhintay gobolka Shabeelada Hoose kuwaas oo la sheegay in ay ku qarxeen gantaalo haraadi ahaay oo halkaasi ay ku rideen ciidanka Nabad Ilaalinta Midawga Afrika ee ATMIS, dadka dhintay ayaa u badan caruur, halka tiro intaas ka badana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan oo qaar kood culus yihiin.

Hay’adda UNICEF  ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Caruurta ayaa bayaan ay soo saartay kaga hadashay dhibaatadii ka dhacday gobolka Shabeelada Hoose “in ugu yaraan 22 caruur ah ay ka mid yihiin 27 qof oo ku dhintay waxyleedii ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.” Hay’adda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in dadkaasi ay dhinteen ka dib markii haraaga walxo qarxa ay ku qarxeen goob ay caruurtu ku ciyaareysay.

Dhankale waxay tacsi u dirtay Ehelada dadkii ku dhintay qaraxa, iyada oo sheegtay in aad uga walaac santahay dhibtaada soo ku dhacday dadkaasi, sidoo kale waxay caafimaad u rajeysay in kuwa dhaawac ah ay bogsadaan.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibanayaasha, waxaana u rajeyneynaa kuwa dhaawaca ah caafimaad degdeg ah. Ma ahan in qoysna uu ilmihiisa ku waayo xaaladdan murugada leh,” ayey tirii UNICEF.

Waxay baaq u dirtay dadka daggan Soomaaliya in ay ka taxadaraan qaraxyada haraadiga ah maaddaama Soomaaliya uu ka socdo dagaal, waxay intaas ku dartay in saaxiibadeeda maxalliga ah kala shaqeyneyso in gargaar loo fidiyo shakhsiyaadka iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed