Qaramada Midoobay oo Walaac Ka Muujisay Fatahaada Soomaaliya.

Hay’addaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac Nololeed ka muujinayaa daadadka roobka iyo Wabiyaaaha kuwaas oo Sameeyn ku yeeshay nolosha dadka iyo deegaanka.

Si gaar ah waxa ay u xuseen Fatahaadihii Magaalada Baardheere ee Gobolka Geso halkaas oo ay ka dhaceeb Fatahaado culus oo sababay dhimasho burbur iyo barakac.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee  ee QM gaar ahaan Hey’adda OCHA, ayaa lagu sheegay in daadad ka dhashay roobab xooggan oo dhowaan ka da’ay halkaasi Gobolka Gedo ay ku naf waayeen ugu yaraan 21 ruux, halka 100 kun oo qofna ay ku barakaceen.

Bayaanka UN OCHA ayaa lagu xusay in 3,000 oo carruur ah ay waxbarasho la’aan noqdeen kadib markii roobabkii Magaalada Baardheere ay burburiyeen xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho.

Waxay sheegtay in daadadka ay sidoo kale baabi’iyeen in ka badan 1,000 hektar oo dhul-beereed ahaa kuwas oo ay ku tiirsanaayeen nolosha guud ahaan dadka deegaanka.

Xaalad bini’aadannimo ee ka jirta Magaalada Baardheere ayaa Hay’adda UN OCHA ku sheegtay mid ku soo aaday iyadoo dalka uu dhex dabaalanayo abaaro ba’an, taasi oo keentay in in ka badan 8.25 milyan oo qof ay baahdaan gargaar bini’aadannimo.

Bayaankaan Ka Soo baxay Qaramada Midoobay ayaa ku soo aaday Xilli Dhowr deegaano oo ku yeel Koofurta Soomaaliya ay  ka da’een roobab sababay daad xooggan, Iyada Sidoo kale Wabiga Shabeelle uu Sameeyay Fatahaado xooggan, xilli Cabsi laga qabo fatahaado horleh.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed