Qaramada Midoobay oo sheegtay in ugu yaraan 4 ay ku dhinteen daadad ka dhacay Soomaaliya xilli roobaadka

Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah ayaa ugu yaraan afar qof ku dilay Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Saddex qof ayaa ku dhintay degmada Baydhabo ee Koonfur-galbeed Soomaaliya, halka gabar 13-jir ah ay ku qaraqmatay tuulo ka tirsan maamulka Galmudug ee bartamaha dalka, OCHA  ayaa sii deysay warbixintaan Isniintii, iyada  oo intaa ku dartay in roobabkii Deyrta (Oktoobar ilaa Disembar) iyo daadadka la xiriira ay weli ka socdaan qaybo badan oo dalka ah.

Sida laga soo xigtay warbixinno horudhac ah oo ay soo saareen shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo odayaasha bulshada Baydhabo, ugu yaraan 122,000 oo qof ama 20,347 qoys ayey saameeyeen roobabkii lixaadka lahaa iyo daadadka tan iyo 4tii Oktoobar, oo ay ku jiraan 92,000 oo barakacayaal ah kuwaas oo daganaa 178 deegaan.

OCHA waxay sheegtay in la-hawlgalayaasha bini’aadantinimo ay si dhow ula shaqeynayaan hay’adaha dowladda ee ay khuseyso wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, u diyaargarowga iyo tillaabada ka hor tagga baaxda daadadka.

Sida laga soo xigtay OCHA, barakacayaasha, oo intooda badan ku nool dhulka hoose, ayaa weli ah kuwa ugu nugul fatahaadaha.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 1.2 milyan oo qof iyo 1.5 milyan oo hektar oo dhul wax soo saar ah ay halis sare ugu jiraan fatahaadda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed