Qaramada Midoobay oo sheegtay in 100 qof ay ku dhinteen fatahaadda Soomaaliya soona saartay baaq baaq deg deg ah

Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah iyo fatahaadaha  ayaa dilay ku dhawaad ​​100 qof halka 750,000 oo qof ay ku barakaceen Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay.

“Dalku wuxuu ku jiraa musiibo, iyadoo roobabkii waxyeellada geystay iyo daadadku ay sii fidayaan,” ayay tiri hay’addu.

Dadka ugu badan ee ay saameeyeen roobabka mahiigaanka ah iyo fatahaada wabiyada ayaa ku sugan dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland, Hirshabeelle iyo Jubaland iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa sheegtay in burburkan uu yimid iyadoo malaayiin Soomaali ah ay weli la daalaa dhacayaan gaajo iyo nafaqo darro, iyadoo lagu qiyaasay 1.5 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano jir nafaqo-xumo ba’an ay wajahayaan intii u dhaxaysa Agoosto sanadkan iyo Luulyo 2024.

Hay’addu waxay sheegtay gargaar deg deg ah, in inkasta oo ay baahiyo badan jiraan, haddana Qorshaha Hawlaha Bani’aadantinimada Soomaaliya ee 2023 oo lagu doonayo in ka badan 2.6 Bilyan oo Doollarka Maraykanka ah si loo daboolo baahiyaha mudnaanta leh ee 7.6 Milyan oo qof, ayaa 42% oo keliya la maalgeliyey, taasoo dhan 1 bilyan oo Doollar.

“Hay’adaha gargaarku ma dabooli karaan baahiyaha hadda jira iyo kuwa cusub haddii aysan jirin ilo dheeraad ah,” ayaa lagu yiri

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed