Qaramada Midoobay Oo Shaacisay in Ka Badan 8 milyan in ay U Baahan Yihiin Gargaar Deg Deg ah.

Soomaaliya ayaa la il-daran saameynta ay ku yeelatay arrinta Cimilada taas oo Saameyn tabban ku yeelatay guud ahaan dalka sida uu sheegay Xogyahaya Qaramada Midoobay Antonio Guterres kadib booqashadii uu ku yimid Sooomaaliya, sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday in macluul xooggan ay halis ugu jirto dalka.

Dadka ku dhintay Abbaaraha daba-dheeraday ee Soomaaliya aye Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay gaarayaan 43,000 oo qof. . sanadkii la soo dhaafay.

Ilaa 8.3 milyan oo Soomaali ah, oo ku dhow kala bar dadka, ayaa u baahan gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah, ayuu yiri Guterres, isaga oo intaa ku daray in 15% oo kaliya la buuxiyey 2.6 bilyan oo doollar oo gargaar ah oo dalku u baahnaa sanadkaan 2023.

Ka dib shan xilli roobaad oo xiriir ah oo usan da’in roob ayaa abaartu waxay barakicisay 1.4 milyan oo Soomaali ah, oo haween iyo carruur ay ka yihiin 80%, ayuu yiri Xoghayaha Qaramada Midoobay.

Si kasataba hadalkaan ayaa ku soo aadayo iyada oo muddooyinkii dambe Soomaaliya ay ka jirtay Abbaar xooggan oo saameeysay nolosha dad u badan Caruur iyo haween, ayaa hadda waxaa dalka ka da’ay roobabka Guga oo saameeyn ku yeeshay nolosha dadkii Abaarta la il-darnaa kadib fatahaado ay sababeen roobabka qaar ka mid ah deegaanada ay ka da’een.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed