Qaramada Midoobay oo shaacisay dadkii dhintay kuna barakacay fatahaadaha dalka Itoobiya iyo dowlad deegaanka Soomaalida

Ilaa 57 qof ayaa ku dhintay dad lagu qiyaasay 632,700 oo qofna way ku barokaceen daadad ka dhacay meelo kala duwan oo dalka Itoobiya ah tan iyo bishii Oktoobar, sida ay shaacisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee UNOCHA.

UNOCHA, oo ku sugan Itoobiya warbixinta xaaladda bini’aadantinimo ee la soo saaray, ayaa sheegtay intii u dhaxaysay Oktoobar iyo Nofembar, daadad iyo dhoobo ka dhashay roobab mahiigaan ah iyo fatahaada wabiyada ayaa saameeyay ilaa 1.5 milyan oo qof, gaar ahaan Soomaalida, Oromada, Canfarta, Koonfurta iyo Gambela ee Itoobiya.

Sida ay sheegtay hay’adda UNOCHA in ka badan 1 milyan oo qof ayaa ay saameeyeen fatahaadihii ka dhacay deegaanka Soomaalida Itoobiya oo kaliya, taasoo ah tii ugu darneyd ee ay saameeyeen fatahaadaha.

 

UNOCHA ayaa sidoo kale ka digtay in galitaanka  ay tahay caqabad weyn oo dhanka shaqada ah, maadaama wadooyinka iyo buundooyinka muhiimka ah ay buux dhaafiyeen oo ay burbursan yihiin, halka doomaha iyo kuwa xamuulka qaada aysan heli karin.

Qaar ka mid ah meelaha ay fatahaaduhu saameeyeen, biyaha fatahaadda ayaa ku sii jira bulshada ay saameysay, taasoo adkeyneysa in bulshada ay dhibaatadu saameysay ay dib u bilaabaan noloshooda caadiga ah iyada oo aan helin gargaar.

Bilaha Oktoobar ilaa Disembar waxay ka dhigan yihiin xilli roobaad muhiim ah, oo wax ku biiriya boqolkiiba 20 ilaa 70 wadarta guud ee roobabka sannadlaha ah, gaar ahaan qaybaha dhulbaraha ee Geeska Afrika.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed