Qaramada Midoobay oo Puntland kala hadashay doorkeeda ku aaddan joojinta dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday maaulka Puntland inay doorkeeda ka qaadato dadaallada lagu joojinayo dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo ee gobolka Sool, kaas oo dhaliyay khasaaro xooggan isla markaana cabsi laga qabo in uu sii dabo dheerado maaddaama aanan wax hal ah la gaarin taniyo markii uu bilaawday bilaawgii sannadkaan.

Warkan ayaa waxaa sheegtay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Liang oo Sabtidii booqasho ku tagtay magaalada Garowe, halkaasoo ay kulan kula qaadatay Madaxweynaha Puntland Deni.

Waxay kaloo Puntland ku ammaantay martigelinta in ka badan 100,000 oo rayid ah oo ku barakacay dagaalkii Laascaanood oo socday ugu yaraan siddeed bilood sannadkan.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in si nabad ah ay u dhacdo doorasho qof iyo cod ah loo baahan yahay in la helo is afgarad laga gaaro qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland sida madaxda mucaaradka, odayaasha, dhalinyarada, haweenka iyo aqoonyahanka.

Daneeyayaasha Puntland ayaa isku maandhaafsan hanaanka doorashada. Mucaaradku waxa ay rabaan hab beeleed halka uu madaxweynuhu uu doonayoo in uu qaban doono doorasho cod dadweyne horaanta sanadka soo socda ee 2024-ka.

Deni oo mudadiisa shanta sano ah uu ku egyahay Janaayo 2024 ayaa wajahaya cadaadis gudaha ah oo ku aadan in doorasho waqtigeeda ku dhacdo.

HBN NEWDS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed