Qaramada Midoobay oo ka digtay khatart fatahaadaha Soomaaliya ku soo wajahan maalmahan soo socda

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee FAO ayaa ka digtay khatar sare oo ka dhalan karta fatahaado ba’an oo Soomaaliya ka dhaca saddexda maalmood ee soo socota, taas oo halis degdeg ah gelinaysa kumannaan qof, iyadoo heerka webiyada ee qaybo ka mid ah dalka uu sii kordhayo.

Hay’adda FAO u qaabilsan maareynta macluumaadka biyaha iyo dhulka Soomaaliya ee (FAO-SWALIM) ayaa sheegtay in ay sare u kac la taaban karo ka sameeyeen xadiga iyo xoojinta roobabka ka da’ay gobolka Gedo iyo buuralayda Itoobiya mudooyinkii lasoo dhaafay.

Waxay sheegtay in roobabka xooggan ee socda, oo ay weheliyaan roobab dhexdhexaad ah oo la saadaaliyay 24-ka saac ee soo socda, oo gaaraya qiyaastii 150 mm saddexda maalmood ee soo socda guud ahaan Gedo, la filayo in heerka webigu gaaro joog hoose.

Waxa ay sheegtay in sidoo kale ay jirto halis sare oo fatahaad ah oo ka dhici karta Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan degmada Garbahaarey 24-ka saac ee soo socda. Daadadkan ayaa yimid ka dib abaartii ugu darneyd ee muddo afartan sano ah soo marta kadib shan xilli roobaad oo baaqday, taasi oo baabi’isay xoolihii iyo dalagyadii beeraha, taasoo dalka ka dhigtay macaluul.

Qaramada Midoobay waxay kula talisay dadka degan dhulka hoose iyo kuwa nugul inay qaataan dhammaan taxaddarrada lagama maarmaanka ah si loo sugo ammaankooda inta laga qaadayo tillaabooyin filasho oo lagama maarmaan ah.

Marka loo eego la-talinta, saadaasha roobab dhexdhexaad ah oo ka da’i doona biyo-qabatinka saddexda maalmood ee soo socda ee Hirshabelle ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxay u badan tahay inay horseedaan kor u kaca heerarka biyaha oo ay halis dhexdhexaad ah u tahay fatahaadda webiga Shabeelle.

Sida laga soo xigtay FAO, waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in mowjado daadad ah ay ku soo wajahan yihiin xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo la saadaalinayo in uu sare u kaco heerka webigu afar maalmood gudahood.

Fatahaadaha ayaa ah kuwii ugu dambeeyay  oo la xiriira cimiladasanadihii ugu dambeeyay ku dhufatay Soomaaliya, halkaas oo carruurta iyo bulshada ay ku sugan yihiin heerkii ugu xumaa ee dhibaatada cimilada adduunka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed