Qaramada Midoobay oo Ergay Gaar ah U Magacaawday Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya us magaacwday ergay cusub oo qabilsanaan doono arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya sida lagu shaaciyay bayaan ay soo sareen.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay Boqortooyadda UK in ay noqoto Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Catriona ayaa xilka kale wareegaysa Ergaygii gaarka ahaa ee qaramada midoobay u qaabilsanaa Soomaliya Amb James Swan,iyadoo sidoo kale noqon doonta madaxa Xafiiska UNSOM.

Catriona Laing ayaa hore u soo noqotay madaxa xafiiska horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Sanadihii u dhexeeyey 1993-dii illaa 1994-kii.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed