Qaar kamid ah Shirkadaha maraakiibta oo hakiyay maraakiibta badda cas kadib weerarada Xuutiyiinta

Labo shirkadood oo kuwa maraakiibta ah ayaa ku dhawaaqay inay joojinayaan dhammaan safarradii ay ku marayeen badda cas, kaddib markii dhowr weerar oo maraakiibta ay ku qaadee Xuutiyiinta Yemen.

Shirkadda maraakiibta Danishka ee Maersk ayaa sheegtay Jimcihii inay joojinayso marinka maraakiibteeda ee marinka muhiimka ah ee Bab al-Mandeb Strait, khadka maraakiibta ee Jarmalka Hapag-Lloyd ayaa sheegay inay joojinayaan safarada badda cas ilaa Isniinta.

Ku dhawaaqistan ayaa timid ka dib markii weerarro ka dhacay Yemen oo ay Xuuthiyiintu maamulaan lagu garaacay laba markab oo sitay calanka Liberia oo marayay marin biyoodka Bab al-Mandab horaantii Jimcihii, sida uu sarkaal ka tirsan difaaca Maraykanka u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dayaarad la rumeysan yahay inay tahay nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ayaa ku dhufatay mid ka mid ah maraakiibtaasi, waxaana ka dhashay dab, balse ma jirto wax dhaawac ah, sida uu sarkaalku sheegay.

Markabkan ayaa magaciisa lagu sheegay Al-Jasrah oo ku gooshayay calanka dalka Liberia, waxaana la dhisay 2016-kii, waxaana uu dhererkiisu yahay 370 mitir (1,200 cag).

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed