Puntland oo Xukunno kala duwan ku riday Dhallinyaro loo heysto Tacaddi.

Maxkamad ku taal Puntland ayaa xukun ku riday rag ku eedeysan in ay dhibaato ka geysteen deegaannnada Puntland kuwaas oo maanta ay shaacisay Maxkamadda.

Maxkamadda kutaal Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa xukun ku ridday shan dhallinyaro ah oo lagu helay in qoys danyar ah oo ku nool Magaalada Boosaaso ay dhawaan kula kaceen fal tacadi ah.

Dhacdadaas ayaa horay u dhalisay hadal heyn xooggan magalaada Boosaaso isbuucii hore kadib markii kooxdaan ay weerar ku qaadeen qoys deganaa halkaas. Dhacdadaas ayaa lagu soo bandhigay baraha xiriirka bulshada.

Mid ka mid ah dhallinyarada ayaa maxkamaddu ku xukuntay Lix sano oo xarig ah, Halka Afarta kale lagu xukumay min shan sano oo xabsi ah iyo min afar kun oo Dollar.

Si kastaba maalmihii la soo dhaafay ayaa dacwadooda ka socday Maxkamada Magaalada Boosaaso, maanta ayaa la shaaciyay xukunnadaan kala duwan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed