Puntland oo war culus ka soo saartay dagaalka Daacish ee Buuraleyda Cal-miskaad

Puntland oo wada isku baraalin gobolka Bari ayaa sheegtay in Ciidamadeeda isku fidiyeen deegaannada ku teedsan buuralayda Cal-miskaad, waxaana jiho kasta kaga yimideen si ay il gaar ah u hayaan bartilmaameedka dhuumaaleysiga ee Daacish.

Ciidanka Daraawiishta Puntland ee oo ku guda jira howlgalka loogu magac daray “ciribtirka Argagixisada” ayaa hawlgalo Amni kawada deegaanka Xamure iyo deegaannada ku hareeraysan ee gobolka Bari.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay inay kulamo wacyigelin ah ay la yeesheen Shacabka deegaannada ay u tageen, si wadashaqeynta kala dhexeysa Ciidamada u sareyso.

Fariimaha lala wadaagay dadka shacab ah ayaa Puntland ku sheegtay inay ka mid tahay digniinta in wixii dadka deegaanka ah ay haystaan fursadii ugu danbeysay ee ay kaga soo bixi karaan Daacish.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed